Bulshada
reer Somaliland waa bulsho goba se daah fur u baahan
Bulshada
reer Somaliland ayaa ah bulsho ku caana maashay nabad iyo xasilooni ay ku
haystaan dalkooda iskuna dhex mushaaxaya badhaadhe iyo rayn raynta nimcada
eebbe ku galaday ah
Waa
bulsho in badan wax-qabsaday horumarna gaadhay,guulo taamana hantay.
Waa
bulsho aan isku hawlin inay ka gilgishaan dhibaatada hadba ku habsata se buuqa
iyo gadoodka ka door bida inay ilaashadaan nabad ay in badan ku naaloonayaan ee
ay helideeda dhiig badni u baxay, halyeeyo badan oo wadankani lahaana ku qudh
waayen.
Waa
bulsho qofka ama shaksiga ay door bidaan inuu yahay qof haboon oo wanaagsan
cadeeya in badana ku faana dhexdoodana laga helo muxibo iyo kalgacal waara.
Bulshada
reer Somaliland waa bulsho aan aad ugu fiirsan hogaamiyeyaasha caynaanka u
qabta se kursiga fadhiisya hadba qofka miisaan culus leh ama reer hebelnimada u
xoogan.
Waa
bulsha aan aad uga baaraan dagin madaxda ay dooranayaan se si fudud codkooda
lagu hanto, hadhowna si badheedha dhaga looga furaysto dhaliilaha ay soo
jeediyaan.
Waa
bulsho ay haysataan duruufo tiro beelay oo u baahan in wax laga dhaho oo wax
laga qabto lagana bogsiiyo meelo badan ay dhaxani ka hayso.
Waxaa
sanadii ugu danbeeyey bulshada reer Somaliland ay aad ugu gunto dheceen qabyaalada
oo ah burburiyaha bulsho nugul, qabyaaladaas oo aad u nuglaysay dadyowga
Somaliland ku dhaqan gaadhana marmar in dhiigba ku daato.
Waxaa
dagaal aan loo kala hadhin kaga soconayaa dhinic kasta sida dhanka siyaasada,waxbarashada,wada noolaanshaha iwm
ee bulsho soo koraysa aafo ku ah, waa bulsho ay aad ugu taagsadeen waxyaalahaas
iyo qaar kaloo badani.
Dhamaan
dadyowga Somaliland oo u badan dhalinyaro waxa liicdin xoog wayni ka haystaa
dhanka horumarka iyo tisqaadka oo arimo badani mugdi galiyeen waloina hadh ku
jiro inay ifka yimaadaan.
Waxaa
muddo cudur wayn Somaliland ku ahayd shaqo la’aan haysata dhalinyarada
Somaliland oo sanad kasta kumaan kun jaamacado uga soo baxaan iyo aafooyin
kaloo qaadku hor boodayo,mukhaadarkaadka kalena aanu ka madhnayn.
Marka laga yimaado dhankaa Waxaa aad ugu
xoogaystay dhexdooda horumarka u baahan in dunida loo sharaxo lana tuso waxay
qabsadeen bulsho dhawr milyan ah oo bariga Africa ku nool, kuwaas oo kazoo
kabtay burbur ay wadamo kale wali la baaxaadagayaan
Waxa
ay gaadheen guul wayn oo ku faan mudan sida kala danbaynta iyo is qadarinta
dhexdooda oo aad xayndaab adag loogu dhidbay.
Sanado
aan badnayn oo 25 sano ah waxa dhexdooda ay qabsadeen wax ayna wadamada qaar
wali ibo furin hadhsan oo aanay wali dhaadanaynba.
Waxaan
hubaa oon garowsanay inay yihiin bulshadii mustaqbalka haday si wadaan
dadaalada aan kala go’a lahayn ee ay hada dhex maashoonayaan.
Waa
bulsho leh mustaqbal ifaya haday helaan hogaan iyo dawlad buuxisa baahiyaha ku
gadaaman intay karaan, kana awda boogaha iyo baraha xanuunka ba’an ee ay uga
ooman yihiin haraad tir.
Waxaan
u rajayn badhaadhe iyo tisqaad dunidu ifsato bulshada wadankayga iyo dhamaan
bahwaynta ku abb iyo isir tirsata Somaliland
Alla Mahad Leh
W/Q:
Qoraa Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac
Mahuraan_144@hotmail.com
Hargeysa
Somaliland