Sunday, December 27, 2015

Bal u fiirso!

Qof kasta oo kawnkan ku nool ujeedo ayaa loo keenay, ujedadaasi waxay tahay sidii uu alle u caabudi lahaa kadibna waxa la siiyey fureyaal dhawra oo uu nolosha ku dabakho.

Furayaasha waxa loo siiyey habab kala duwan si uu uga shaqaysiiyo qof kastaaba awoodaha ku kaydsan ee kala ah afkaarha,wax-soosaarka iyo hibooyinka kuwaas oo ku  duugan qof kasta oo nool.

Qaar innaga mid ahi waxay baadhaan wax iyaga ku jira ee allena ku dhex unkay oo tiro beela kana dhigaya inay wax kasta qaban karaan wax kastana soo saari karaan.   

Kolay waxaad ifka timi adoo kali ah oo ooyaya, Noloshana waxaa lagaa rabaa inaad adoo kali ah wax badasho, wax soosaarto,wax samayso aduunyadana la martiyo waxaad ifkan keentay eed dunidan iyo noloshana kaga qayb noqonay.

Bal isu fiirso…

 Waxaad tahay qof sidda wax badan oo aduunyadu oon u qabto iyo dhamaan dadyowga aduunka ku dhaqan  ayna tahay inuu soo saaro, bal hada is baadh  waa maxay  tolow waxaasi ? isna waydii dhawr waydiimood qudhaadu isunua jawaab adigu si daacada oo aad xor u tahay naftaada.

maxaad ku fiican tahay?

Tolow maxaad ku liidataa?

 Tolow maxaa kaa maqan balse kugu  jiroo kaa guuxaya adi ahaan?

Intaa kadib, Hadaad ogtahay garwasan tahayna awoodaha naftaada ee aan la soo koobi Karin waad u helay jawaabo waydiimahan dhamaan,balse ma ogatahay  ina aad noloshan ka baxi goor ay ahaataba, se waxase aan dhamaantayo  kaa sugaynaa laynaga sugayaa wadarteenaba inaynu ka tagno wax inaga hadha laynagna dhaxlo oo hibooyinkeena ah.

ka tag dhaxal waara noolahana wax  u qabta,  kolay iyo kolay  bal wuxuun keen  intaad nooshay adoo ay niyadaada ku jirto inaad tahay wada awood iyo wax soosaar curdin ah.

-Hadaba waxaan kugu boorinayaa laba.

Nolosha waxaad rebtay ado helay dhimo, ama adoo ku guda jira waxaad rebtay inaad hesho dhimo. se ha kaa go’naato inaad is baadho, naftaada intaad imtaxaan iyo su’aalo waydiiso tidhaah tolow nolosha maxaan kaga qayba galaa allena kaashato.

waxaan kuu damaanad qaadaya ugu horayn su’aal kasta waad isaga jawaabay se ugu horayn naftaada tababar adigu oo waxa ku duugan gudahaags ibo fur daahana ka qaad waad u aayi e’

-Waxaan kuu soo jeedinayaa.

Adigu waxaad tahay adiga uun cid kale waxay kula rabto ha noqone xor ahow, rabitaanka naftaadana u madax banaanow doorashada shay ama ashyaana adigu amarkeeda lahow.

Iska furfur dhamaan dabarda kugu xidhan oo istaag korna ugu dhawaaq waxaan ahay guulayste waayo waan dadaala allana waxaan ka fikayaa abaalka tacabkaa wanaagsan een noloshayda u galay iyo tan aadamaha kale.


Allaa Mahad Leh.


W/Q: Qoraa Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac

 Mahuraan_144@hotmail.com     

Hargeysa Somaliland

No comments:

Post a Comment