Wax waan bartay haa, duruuf adag
iyo waayo aan aniga uuni dareemayana waa layla soo maray, waxaan ahaa dadaala
oo waxaan u hubqaadan jiray si aan hagrasho lahayn, Bal inaan mar uun u nasiyo
reerkayga tacabka wayn i gashaday. Waan aflaxay muddo kadib waxaanan gaadhay
waqtigaan Ibo furi lahaa dadaalki lay galinayey mudada gurigayagana aan ula mid
dhigi lahaa guryaha kale ee iyagu badhaadhaha haysta. Waxaan tagay dhawr
goobood si aan u helo shaqo aan noloshayda iyo ta dadkayga ku dabakho, waan
dadaala oo ma nasto mana quusto. Kabaha iyo dharku way igu dul idlaadaan sidaan
socod aan hadhsi lahayn u wado had iyo jeer. Wadankaygu waa nabad, waana qani
anna waxaan ahay xoogi uu ku faani lahaa, balse ma haysto cid ka digigixda
dhibta iga haysata shaqadii aan u xaqa lahaa. Waxa dharaar kasta shaqo meeqaam
sare leh la geeya ama hela mid aan i aqoon dhaamin ama lagu xushay haybtiisa
reereed.
Waxaan is waydiiya tolow maxaad
idin kala geeyey, ma waqtigaa saaciday adna ku dabray, jawaabta aan helo ayaa
ah, may balse ayaan darada dadkaaga gumaysaa noocaasa. Habeen kasta oon guriga
u soo hoydo waxa ay waalidkay i waydiiyaan, Ka waran cumar shaqo ma heshay?
Jawaabta kuma dagdago mana dhaho maya se waxaan niyada u dhisaa waalidkay oo rajo
ayaan galiyaa waqti kasta. Waan daalay, rafaaday waxa i soo baxay lafaha
jidhkayga, waxa iga muuqata daranyo aad u xun, Qof kasta oo i yaqaanay hada
waxa uu i waydiiya Maxa cumar ku helay? Iwm. Maxaan sameeya tolow? Xageen wax
ka raadiyaa? Uma hayo jawaabo Balse allaa jooga oon talo saartay. Waxa uu
xaalku sidaa ahaadaba waxaan arki waayey dhawr asxaabtayda kamida oon is arki
jiray balse hada muddo aanan il qaban.
Waan is waydiina aniyo inta aan
is aragno asxaabta, waxaan ogaaday badhkood inay shaqeeyaan, guursadeen oo
sareedo ku jiraan Halka aan kuwo kalena ku war helay Inay yurub joogaan ama
wadamo kale ooy safar bilaa sharciya oo halis ahna u galeen, Se ugu danbayntii
ay hada dakaynayaan nimco. Waxaa saamayn iyo raad xoog leh igu yeeshay
asxaabtaydi aanu boholyowga wada qabnay ee hada nolosha helay, waxaan is
waydiyeey tolow adna maxaa ku dhigay? Jawaab uma hayo su'aalo badan oo qalbigu
sida waranka igu mudayo, muddo waxaan xog ururis ku jiroba waxaan go'aan ku
gaadhay inaan safarkaa saxariirka wata galo, baqdina kama qabo waxa dhici doona
waayo waan u badheedhay, wax ii badalaya ama ka rajo wanaagsana ma hayo oo
wadankaygi waxa wax lagu qaybiyaa Hayb, waji iyo arimo kale. Waxaan ugu horayn
ka fakaray xageed qarash ka heshaa aad ku baxdo, igu soo dhace dhawr fikir
balse iimay cuntamin.
Anaa dib isu baadhay waxaan
ogaaday inan heli karo lacagta safarka inta hore ee itoobiya lagu gaadho oo lay
shegay inay tahay 150$ (Boqol iyo koton) Doolar ilaa 200$ (Laba boqol)Doola,
waxaan qiimeeyey kumbuyuutarkaygaan haystay oo adeerkay iiga soo diray dalka
dibadiisa, waxaan ku qiyaasay qiime dhan 150 (boqol iyo koton) Doolar, waanan
iib geeyey. Muddo ayuu kumbuyuurkaygi suuqa ku jiray, cid iibsatana u qalaa way
igu adagtay sugidaa iibsiga kumbuyuurku oo waqti ayaa iga lumaya.
Waxaa layla soo hadlay xili
arooryo waqti barqo ah, waa ninkii kumbuyuurkayga iibinayey Waan farxay, waanan
ka qabtay taleefankii waxa uu ii sheegay In la iibsaday xalay kumbuyuurtarkii
Oo aan lacagta ka soo doonto. Helay lacagta inteedi ugu badnayd baaqi waxa iga
dhiman xadi dhan 50-Dollar Waan ka fakaray tolow xagee ka keentaa intaana, waxa
igu soo dhacday fikrad ah, qof ka amaaho intaa walow aanan caadu u lahayn inaan
lacag cid ka daymaysto, Waase qosrhe aan ku qancay danina iigu jirto, Waxaan raadiyey
dhawr qof oo aan ku tuhmayey Inaan lacagtaa ka helayo, waanan u hawl galay.
Dhawr qof ka raadiyey lacagtaa balse wali ma helin Waxaan go'aan saday inaan la
hadlo adeerkay oo dubia jooga, wadal kadib waxa uu igu yidhi saddex cisho isug.
Waxaan mudada lacagtu ii imanaysey u hawl galay sidii aan Qorshahaan ku bixi
lahaa u hol, cid i kaxaynaysayna la xidhiidho. Waan diyaar garoobey Maalmo yar
kadibna lacagtii ayaa ii timi.
Markaan jeebka ku hubsaday 200
(Laba boqol) Doolar ayaan anba baxay safara u huladay, jidku ma fududa mana
hawl yara balse alle ayaan talo saartay, iskuna xidhay magan galyadii. Waxaan
helay asxab kale oo qaarkood aan garanayo badhka kalena safarku na kulmiyey
uun, dhamaantayona waxaanu nahay baxsid cidi se nama oga. Anigu waan ducaystay
una badheedhay inaan waalidkaygii intaa igu tabcayey khasaariyo kana nixiyo,
halaagna naftan tacab celinta laga sugayey galiyo. Niyadayda waxaa gashay beri
ayaad wax taray markaad germany gaadho kama fakarin dhimasho, xitaa cida soo
hadal qaada waxaan ku odhanayey waxaa inaga daaya niyadana khayriya. Safarkii
waa noo bilowday aniyo asxaabti kale, Muddo markaanu u dhaxaynay dhul badan
kuna jiray rafaad adag waxaan ugu danbayntii gaadhnay wadanka sudan oo
socdaalkaygu ugu gudbayey ilaa masar.
Sudan markii aanu nimi ayaa
nalaga dalbay inaanu la hadalo dadkaygi si ay u soo diraan lagac dhan 3000$
(Saddex kun oo doolar) Naxdin ayay aniga igu ahayd, in dadkii aan mudaada ka
maqnaa xaalkoodana aan ogaa la hadlayo waliba aniga oo lagac ka dalbaya.
Niyadaan adkeeyey, Warwar iyo walaacna waan ka suuliyey Waxaan wacay taleefanka
aabahay Waxaanan wada hadalay aabbahay Una sheegay lagacta layga rabo, Imuu
muujin niyad jilayc walow aan ogahay inaanu qarashkaa hayn, hadana ima odhan
mahayo Ee isug tobban maalmood ayuu iigu war celiyey, anna waayahay ayaan ku
idhi. Muddo laba iyo tabban cisho ah kadib ayuu aabbe lagactii ku soo shubay
xawaalada Dahabshiil xafiiskeeda magalaada khartuum, Lagactii markii ay heleen
ayayna ani iyo dhawr qof lagactii bixiyey nala gudbiyey ilaa qaahira, xarunta
dalka masar. Muddo ayaan masar joogay, qorshayaala waday Ogoobey lacagtaan
qaahira ku joogo waa biilkii aabbe walaalkii oo dubia joogaa u soo diri jiray
oo anaa hada qaata.
Waxaan u diyaar garoobey safarkii Ugu adkaa uguna khatarta badnaa oo ah
kii bada u dhaxaysa wadamada masar iyo giriiga.la soco qaybta xigta....
Qalinkii/ Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac