Tuesday, April 19, 2016

Wax waan bartay haa, duruuf adag iyo waayo aan aniga uuni dareemayana waa layla soo maray, waxaan ahaa dadaala oo waxaan u hubqaadan jiray si aan hagrasho lahayn, Bal inaan mar uun u nasiyo reerkayga tacabka wayn i gashaday. Waan aflaxay muddo kadib waxaanan gaadhay waqtigaan Ibo furi lahaa dadaalki lay galinayey mudada gurigayagana aan ula mid dhigi lahaa guryaha kale ee iyagu badhaadhaha haysta. Waxaan tagay dhawr goobood si aan u helo shaqo aan noloshayda iyo ta dadkayga ku dabakho, waan dadaala oo ma nasto mana quusto. Kabaha iyo dharku way igu dul idlaadaan sidaan socod aan hadhsi lahayn u wado had iyo jeer. Wadankaygu waa nabad, waana qani anna waxaan ahay xoogi uu ku faani lahaa, balse ma haysto cid ka digigixda dhibta iga haysata shaqadii aan u xaqa lahaa. Waxa dharaar kasta shaqo meeqaam sare leh la geeya ama hela mid aan i aqoon dhaamin ama lagu xushay haybtiisa reereed.
Waxaan is waydiiya tolow maxaad idin kala geeyey, ma waqtigaa saaciday adna ku dabray, jawaabta aan helo ayaa ah, may balse ayaan darada dadkaaga gumaysaa noocaasa. Habeen kasta oon guriga u soo hoydo waxa ay waalidkay i waydiiyaan, Ka waran cumar shaqo ma heshay? Jawaabta kuma dagdago mana dhaho maya se waxaan niyada u dhisaa waalidkay oo rajo ayaan galiyaa waqti kasta. Waan daalay, rafaaday waxa i soo baxay lafaha jidhkayga, waxa iga muuqata daranyo aad u xun, Qof kasta oo i yaqaanay hada waxa uu i waydiiya Maxa cumar ku helay? Iwm. Maxaan sameeya tolow? Xageen wax ka raadiyaa? Uma hayo jawaabo Balse allaa jooga oon talo saartay. Waxa uu xaalku sidaa ahaadaba waxaan arki waayey dhawr asxaabtayda kamida oon is arki jiray balse hada muddo aanan il qaban.
Waan is waydiina aniyo inta aan is aragno asxaabta, waxaan ogaaday badhkood inay shaqeeyaan, guursadeen oo sareedo ku jiraan Halka aan kuwo kalena ku war helay Inay yurub joogaan ama wadamo kale ooy safar bilaa sharciya oo halis ahna u galeen, Se ugu danbayntii ay hada dakaynayaan nimco. Waxaa saamayn iyo raad xoog leh igu yeeshay asxaabtaydi aanu boholyowga wada qabnay ee hada nolosha helay, waxaan is waydiyeey tolow adna maxaa ku dhigay? Jawaab uma hayo su'aalo badan oo qalbigu sida waranka igu mudayo, muddo waxaan xog ururis ku jiroba waxaan go'aan ku gaadhay inaan safarkaa saxariirka wata galo, baqdina kama qabo waxa dhici doona waayo waan u badheedhay, wax ii badalaya ama ka rajo wanaagsana ma hayo oo wadankaygi waxa wax lagu qaybiyaa Hayb, waji iyo arimo kale. Waxaan ugu horayn ka fakaray xageed qarash ka heshaa aad ku baxdo, igu soo dhace dhawr fikir balse iimay cuntamin.
Anaa dib isu baadhay waxaan ogaaday inan heli karo lacagta safarka inta hore ee itoobiya lagu gaadho oo lay shegay inay tahay 150$ (Boqol iyo koton) Doolar ilaa 200$ (Laba boqol)Doola, waxaan qiimeeyey kumbuyuutarkaygaan haystay oo adeerkay iiga soo diray dalka dibadiisa, waxaan ku qiyaasay qiime dhan 150 (boqol iyo koton) Doolar, waanan iib geeyey. Muddo ayuu kumbuyuurkaygi suuqa ku jiray, cid iibsatana u qalaa way igu adagtay sugidaa iibsiga kumbuyuurku oo waqti ayaa iga lumaya.
Waxaa layla soo hadlay xili arooryo waqti barqo ah, waa ninkii kumbuyuurkayga iibinayey Waan farxay, waanan ka qabtay taleefankii waxa uu ii sheegay In la iibsaday xalay kumbuyuurtarkii Oo aan lacagta ka soo doonto. Helay lacagta inteedi ugu badnayd baaqi waxa iga dhiman xadi dhan 50-Dollar Waan ka fakaray tolow xagee ka keentaa intaana, waxa igu soo dhacday fikrad ah, qof ka amaaho intaa walow aanan caadu u lahayn inaan lacag cid ka daymaysto, Waase qosrhe aan ku qancay danina iigu jirto, Waxaan raadiyey dhawr qof oo aan ku tuhmayey Inaan lacagtaa ka helayo, waanan u hawl galay. Dhawr qof ka raadiyey lacagtaa balse wali ma helin Waxaan go'aan saday inaan la hadlo adeerkay oo dubia jooga, wadal kadib waxa uu igu yidhi saddex cisho isug. Waxaan mudada lacagtu ii imanaysey u hawl galay sidii aan Qorshahaan ku bixi lahaa u hol, cid i kaxaynaysayna la xidhiidho. Waan diyaar garoobey Maalmo yar kadibna lacagtii ayaa ii timi.
Markaan jeebka ku hubsaday 200 (Laba boqol) Doolar ayaan anba baxay safara u huladay, jidku ma fududa mana hawl yara balse alle ayaan talo saartay, iskuna xidhay magan galyadii. Waxaan helay asxab kale oo qaarkood aan garanayo badhka kalena safarku na kulmiyey uun, dhamaantayona waxaanu nahay baxsid cidi se nama oga. Anigu waan ducaystay una badheedhay inaan waalidkaygii intaa igu tabcayey khasaariyo kana nixiyo, halaagna naftan tacab celinta laga sugayey galiyo. Niyadayda waxaa gashay beri ayaad wax taray markaad germany gaadho kama fakarin dhimasho, xitaa cida soo hadal qaada waxaan ku odhanayey waxaa inaga daaya niyadana khayriya. Safarkii waa noo bilowday aniyo asxaabti kale, Muddo markaanu u dhaxaynay dhul badan kuna jiray rafaad adag waxaan ugu danbayntii gaadhnay wadanka sudan oo socdaalkaygu ugu gudbayey ilaa masar.
Sudan markii aanu nimi ayaa nalaga dalbay inaanu la hadalo dadkaygi si ay u soo diraan lagac dhan 3000$ (Saddex kun oo doolar) Naxdin ayay aniga igu ahayd, in dadkii aan mudaada ka maqnaa xaalkoodana aan ogaa la hadlayo waliba aniga oo lagac ka dalbaya. Niyadaan adkeeyey, Warwar iyo walaacna waan ka suuliyey Waxaan wacay taleefanka aabahay Waxaanan wada hadalay aabbahay Una sheegay lagacta layga rabo, Imuu muujin niyad jilayc walow aan ogahay inaanu qarashkaa hayn, hadana ima odhan mahayo Ee isug tobban maalmood ayuu iigu war celiyey, anna waayahay ayaan ku idhi. Muddo laba iyo tabban cisho ah kadib ayuu aabbe lagactii ku soo shubay xawaalada Dahabshiil xafiiskeeda magalaada khartuum, Lagactii markii ay heleen ayayna ani iyo dhawr qof lagactii bixiyey nala gudbiyey ilaa qaahira, xarunta dalka masar. Muddo ayaan masar joogay, qorshayaala waday Ogoobey lacagtaan qaahira ku joogo waa biilkii aabbe walaalkii oo dubia joogaa u soo diri jiray oo anaa hada qaata.
Waxaan u diyaar garoobey safarkii Ugu adkaa uguna khatarta badnaa oo ah kii bada u dhaxaysa wadamada masar iyo giriiga.

la soco qaybta xigta....

Qalinkii/ Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac


No comments:

Post a Comment