Tuesday, April 19, 2016

Wax waan bartay haa, duruuf adag iyo waayo aan aniga uuni dareemayana waa layla soo maray, waxaan ahaa dadaala oo waxaan u hubqaadan jiray si aan hagrasho lahayn, Bal inaan mar uun u nasiyo reerkayga tacabka wayn i gashaday. Waan aflaxay muddo kadib waxaanan gaadhay waqtigaan Ibo furi lahaa dadaalki lay galinayey mudada gurigayagana aan ula mid dhigi lahaa guryaha kale ee iyagu badhaadhaha haysta. Waxaan tagay dhawr goobood si aan u helo shaqo aan noloshayda iyo ta dadkayga ku dabakho, waan dadaala oo ma nasto mana quusto. Kabaha iyo dharku way igu dul idlaadaan sidaan socod aan hadhsi lahayn u wado had iyo jeer. Wadankaygu waa nabad, waana qani anna waxaan ahay xoogi uu ku faani lahaa, balse ma haysto cid ka digigixda dhibta iga haysata shaqadii aan u xaqa lahaa. Waxa dharaar kasta shaqo meeqaam sare leh la geeya ama hela mid aan i aqoon dhaamin ama lagu xushay haybtiisa reereed.
Waxaan is waydiiya tolow maxaad idin kala geeyey, ma waqtigaa saaciday adna ku dabray, jawaabta aan helo ayaa ah, may balse ayaan darada dadkaaga gumaysaa noocaasa. Habeen kasta oon guriga u soo hoydo waxa ay waalidkay i waydiiyaan, Ka waran cumar shaqo ma heshay? Jawaabta kuma dagdago mana dhaho maya se waxaan niyada u dhisaa waalidkay oo rajo ayaan galiyaa waqti kasta. Waan daalay, rafaaday waxa i soo baxay lafaha jidhkayga, waxa iga muuqata daranyo aad u xun, Qof kasta oo i yaqaanay hada waxa uu i waydiiya Maxa cumar ku helay? Iwm. Maxaan sameeya tolow? Xageen wax ka raadiyaa? Uma hayo jawaabo Balse allaa jooga oon talo saartay. Waxa uu xaalku sidaa ahaadaba waxaan arki waayey dhawr asxaabtayda kamida oon is arki jiray balse hada muddo aanan il qaban.
Waan is waydiina aniyo inta aan is aragno asxaabta, waxaan ogaaday badhkood inay shaqeeyaan, guursadeen oo sareedo ku jiraan Halka aan kuwo kalena ku war helay Inay yurub joogaan ama wadamo kale ooy safar bilaa sharciya oo halis ahna u galeen, Se ugu danbayntii ay hada dakaynayaan nimco. Waxaa saamayn iyo raad xoog leh igu yeeshay asxaabtaydi aanu boholyowga wada qabnay ee hada nolosha helay, waxaan is waydiyeey tolow adna maxaa ku dhigay? Jawaab uma hayo su'aalo badan oo qalbigu sida waranka igu mudayo, muddo waxaan xog ururis ku jiroba waxaan go'aan ku gaadhay inaan safarkaa saxariirka wata galo, baqdina kama qabo waxa dhici doona waayo waan u badheedhay, wax ii badalaya ama ka rajo wanaagsana ma hayo oo wadankaygi waxa wax lagu qaybiyaa Hayb, waji iyo arimo kale. Waxaan ugu horayn ka fakaray xageed qarash ka heshaa aad ku baxdo, igu soo dhace dhawr fikir balse iimay cuntamin.
Anaa dib isu baadhay waxaan ogaaday inan heli karo lacagta safarka inta hore ee itoobiya lagu gaadho oo lay shegay inay tahay 150$ (Boqol iyo koton) Doolar ilaa 200$ (Laba boqol)Doola, waxaan qiimeeyey kumbuyuutarkaygaan haystay oo adeerkay iiga soo diray dalka dibadiisa, waxaan ku qiyaasay qiime dhan 150 (boqol iyo koton) Doolar, waanan iib geeyey. Muddo ayuu kumbuyuurkaygi suuqa ku jiray, cid iibsatana u qalaa way igu adagtay sugidaa iibsiga kumbuyuurku oo waqti ayaa iga lumaya.
Waxaa layla soo hadlay xili arooryo waqti barqo ah, waa ninkii kumbuyuurkayga iibinayey Waan farxay, waanan ka qabtay taleefankii waxa uu ii sheegay In la iibsaday xalay kumbuyuurtarkii Oo aan lacagta ka soo doonto. Helay lacagta inteedi ugu badnayd baaqi waxa iga dhiman xadi dhan 50-Dollar Waan ka fakaray tolow xagee ka keentaa intaana, waxa igu soo dhacday fikrad ah, qof ka amaaho intaa walow aanan caadu u lahayn inaan lacag cid ka daymaysto, Waase qosrhe aan ku qancay danina iigu jirto, Waxaan raadiyey dhawr qof oo aan ku tuhmayey Inaan lacagtaa ka helayo, waanan u hawl galay. Dhawr qof ka raadiyey lacagtaa balse wali ma helin Waxaan go'aan saday inaan la hadlo adeerkay oo dubia jooga, wadal kadib waxa uu igu yidhi saddex cisho isug. Waxaan mudada lacagtu ii imanaysey u hawl galay sidii aan Qorshahaan ku bixi lahaa u hol, cid i kaxaynaysayna la xidhiidho. Waan diyaar garoobey Maalmo yar kadibna lacagtii ayaa ii timi.
Markaan jeebka ku hubsaday 200 (Laba boqol) Doolar ayaan anba baxay safara u huladay, jidku ma fududa mana hawl yara balse alle ayaan talo saartay, iskuna xidhay magan galyadii. Waxaan helay asxab kale oo qaarkood aan garanayo badhka kalena safarku na kulmiyey uun, dhamaantayona waxaanu nahay baxsid cidi se nama oga. Anigu waan ducaystay una badheedhay inaan waalidkaygii intaa igu tabcayey khasaariyo kana nixiyo, halaagna naftan tacab celinta laga sugayey galiyo. Niyadayda waxaa gashay beri ayaad wax taray markaad germany gaadho kama fakarin dhimasho, xitaa cida soo hadal qaada waxaan ku odhanayey waxaa inaga daaya niyadana khayriya. Safarkii waa noo bilowday aniyo asxaabti kale, Muddo markaanu u dhaxaynay dhul badan kuna jiray rafaad adag waxaan ugu danbayntii gaadhnay wadanka sudan oo socdaalkaygu ugu gudbayey ilaa masar.
Sudan markii aanu nimi ayaa nalaga dalbay inaanu la hadalo dadkaygi si ay u soo diraan lagac dhan 3000$ (Saddex kun oo doolar) Naxdin ayay aniga igu ahayd, in dadkii aan mudaada ka maqnaa xaalkoodana aan ogaa la hadlayo waliba aniga oo lagac ka dalbaya. Niyadaan adkeeyey, Warwar iyo walaacna waan ka suuliyey Waxaan wacay taleefanka aabahay Waxaanan wada hadalay aabbahay Una sheegay lagacta layga rabo, Imuu muujin niyad jilayc walow aan ogahay inaanu qarashkaa hayn, hadana ima odhan mahayo Ee isug tobban maalmood ayuu iigu war celiyey, anna waayahay ayaan ku idhi. Muddo laba iyo tabban cisho ah kadib ayuu aabbe lagactii ku soo shubay xawaalada Dahabshiil xafiiskeeda magalaada khartuum, Lagactii markii ay heleen ayayna ani iyo dhawr qof lagactii bixiyey nala gudbiyey ilaa qaahira, xarunta dalka masar. Muddo ayaan masar joogay, qorshayaala waday Ogoobey lacagtaan qaahira ku joogo waa biilkii aabbe walaalkii oo dubia joogaa u soo diri jiray oo anaa hada qaata.
Waxaan u diyaar garoobey safarkii Ugu adkaa uguna khatarta badnaa oo ah kii bada u dhaxaysa wadamada masar iyo giriiga.

la soco qaybta xigta....

Qalinkii/ Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac

Monday, January 4, 2016

Bulshada reer Somaliland waa bulsho goba se daah fur u baahan

Bulshada reer Somaliland ayaa ah bulsho ku caana maashay nabad iyo xasilooni ay ku haystaan dalkooda iskuna dhex mushaaxaya badhaadhe iyo rayn raynta nimcada eebbe ku galaday ah
Waa bulsho in badan wax-qabsaday horumarna gaadhay,guulo taamana hantay.
Waa bulsho aan isku hawlin inay ka gilgishaan dhibaatada hadba ku habsata se buuqa iyo gadoodka ka door bida inay ilaashadaan nabad ay in badan ku naaloonayaan ee ay helideeda dhiig badni u baxay, halyeeyo badan oo wadankani lahaana ku qudh waayen.
Waa bulsho qofka ama shaksiga ay door bidaan inuu yahay qof haboon oo wanaagsan cadeeya in badana ku faana dhexdoodana laga helo muxibo iyo kalgacal waara.
Bulshada reer Somaliland waa bulsho aan aad ugu fiirsan hogaamiyeyaasha caynaanka u qabta se kursiga fadhiisya hadba qofka miisaan culus leh ama reer hebelnimada u xoogan.
Waa bulsha aan aad uga baaraan dagin madaxda ay dooranayaan se si fudud codkooda lagu hanto, hadhowna si badheedha dhaga looga furaysto dhaliilaha ay soo jeediyaan.
Waa bulsho ay haysataan duruufo tiro beelay oo u baahan in wax laga dhaho oo wax laga qabto lagana bogsiiyo meelo badan ay dhaxani ka hayso.
Waxaa sanadii ugu danbeeyey bulshada reer Somaliland ay aad ugu gunto dheceen qabyaalada oo ah burburiyaha bulsho nugul, qabyaaladaas oo aad u nuglaysay dadyowga Somaliland ku dhaqan gaadhana marmar in dhiigba ku daato.
Waxaa dagaal aan loo kala hadhin kaga soconayaa dhinic kasta sida dhanka  siyaasada,waxbarashada,wada noolaanshaha iwm ee bulsho soo koraysa aafo ku ah, waa bulsho ay aad ugu taagsadeen waxyaalahaas iyo qaar kaloo badani.
Dhamaan dadyowga Somaliland oo u badan dhalinyaro waxa liicdin xoog wayni ka haystaa dhanka horumarka iyo tisqaadka oo arimo badani mugdi galiyeen waloina hadh ku jiro inay ifka yimaadaan.
Waxaa muddo cudur wayn Somaliland ku ahayd shaqo la’aan haysata dhalinyarada Somaliland oo sanad kasta kumaan kun jaamacado uga soo baxaan iyo aafooyin kaloo qaadku hor boodayo,mukhaadarkaadka kalena aanu ka madhnayn.
 Marka laga yimaado dhankaa Waxaa aad ugu xoogaystay dhexdooda horumarka u baahan in dunida loo sharaxo lana tuso waxay qabsadeen bulsho dhawr milyan ah oo bariga Africa ku nool, kuwaas oo kazoo kabtay burbur ay wadamo kale wali la baaxaadagayaan
Waxa ay gaadheen guul wayn oo ku faan mudan sida kala danbaynta iyo is qadarinta dhexdooda oo aad xayndaab adag loogu dhidbay.
Sanado aan badnayn oo 25 sano ah waxa dhexdooda ay qabsadeen wax ayna wadamada qaar wali ibo furin hadhsan oo aanay wali dhaadanaynba.
Waxaan hubaa oon garowsanay inay yihiin bulshadii mustaqbalka haday si wadaan dadaalada aan kala go’a lahayn ee ay hada dhex maashoonayaan.
Waa bulsho leh mustaqbal ifaya haday helaan hogaan iyo dawlad buuxisa baahiyaha ku gadaaman intay karaan, kana awda boogaha iyo baraha xanuunka ba’an ee ay uga ooman yihiin haraad tir.
Waxaan u rajayn badhaadhe iyo tisqaad dunidu ifsato bulshada wadankayga iyo dhamaan bahwaynta ku abb iyo isir tirsata Somaliland
     
                                                           Alla Mahad Leh

W/Q: Qoraa Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac

Mahuraan_144@hotmail.com
Hargeysa Somaliland

Sunday, December 27, 2015

Bal u fiirso!

Qof kasta oo kawnkan ku nool ujeedo ayaa loo keenay, ujedadaasi waxay tahay sidii uu alle u caabudi lahaa kadibna waxa la siiyey fureyaal dhawra oo uu nolosha ku dabakho.

Furayaasha waxa loo siiyey habab kala duwan si uu uga shaqaysiiyo qof kastaaba awoodaha ku kaydsan ee kala ah afkaarha,wax-soosaarka iyo hibooyinka kuwaas oo ku  duugan qof kasta oo nool.

Qaar innaga mid ahi waxay baadhaan wax iyaga ku jira ee allena ku dhex unkay oo tiro beela kana dhigaya inay wax kasta qaban karaan wax kastana soo saari karaan.   

Kolay waxaad ifka timi adoo kali ah oo ooyaya, Noloshana waxaa lagaa rabaa inaad adoo kali ah wax badasho, wax soosaarto,wax samayso aduunyadana la martiyo waxaad ifkan keentay eed dunidan iyo noloshana kaga qayb noqonay.

Bal isu fiirso…

 Waxaad tahay qof sidda wax badan oo aduunyadu oon u qabto iyo dhamaan dadyowga aduunka ku dhaqan  ayna tahay inuu soo saaro, bal hada is baadh  waa maxay  tolow waxaasi ? isna waydii dhawr waydiimood qudhaadu isunua jawaab adigu si daacada oo aad xor u tahay naftaada.

maxaad ku fiican tahay?

Tolow maxaad ku liidataa?

 Tolow maxaa kaa maqan balse kugu  jiroo kaa guuxaya adi ahaan?

Intaa kadib, Hadaad ogtahay garwasan tahayna awoodaha naftaada ee aan la soo koobi Karin waad u helay jawaabo waydiimahan dhamaan,balse ma ogatahay  ina aad noloshan ka baxi goor ay ahaataba, se waxase aan dhamaantayo  kaa sugaynaa laynaga sugayaa wadarteenaba inaynu ka tagno wax inaga hadha laynagna dhaxlo oo hibooyinkeena ah.

ka tag dhaxal waara noolahana wax  u qabta,  kolay iyo kolay  bal wuxuun keen  intaad nooshay adoo ay niyadaada ku jirto inaad tahay wada awood iyo wax soosaar curdin ah.

-Hadaba waxaan kugu boorinayaa laba.

Nolosha waxaad rebtay ado helay dhimo, ama adoo ku guda jira waxaad rebtay inaad hesho dhimo. se ha kaa go’naato inaad is baadho, naftaada intaad imtaxaan iyo su’aalo waydiiso tidhaah tolow nolosha maxaan kaga qayba galaa allena kaashato.

waxaan kuu damaanad qaadaya ugu horayn su’aal kasta waad isaga jawaabay se ugu horayn naftaada tababar adigu oo waxa ku duugan gudahaags ibo fur daahana ka qaad waad u aayi e’

-Waxaan kuu soo jeedinayaa.

Adigu waxaad tahay adiga uun cid kale waxay kula rabto ha noqone xor ahow, rabitaanka naftaadana u madax banaanow doorashada shay ama ashyaana adigu amarkeeda lahow.

Iska furfur dhamaan dabarda kugu xidhan oo istaag korna ugu dhawaaq waxaan ahay guulayste waayo waan dadaala allana waxaan ka fikayaa abaalka tacabkaa wanaagsan een noloshayda u galay iyo tan aadamaha kale.

Allaa Mahad Leh.

W/Q: Qoraa Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac

 Mahuraan_144@hotmail.com     

Hargeysa Somaliland

Friday, December 25, 2015

Maqaal

“Bal u fiirso”